Mission Statement – Somali

Ujeedadeenna oo kooban Mission statement Dugsigan hoose ee Streatham Wells ujeedandeennu waa in abuurno degaan horumarsan anagoo ku dadaaleyna in aan hal qoys isku ahaanno dhamaanteen. Ujeedada iskoolkeennu waa in aan caruurta ku dhiirrigelino damacooda anagoo la shaqeyneyna waalidka ama dadka kale ee caruurta masâ??uulka ka ah si ay uga caawinaan in ay horumar gaaraan inti karaankooda ah. Waxaan si isku mid ah u qiimeyneynaa dhamaan ardayda iyo macalimiinta anagoo si cadaalad ah ku maamuleyna, tixgelineyna baahidooda, siineynana fursadda ugu wanaagsan si uu u soo bandhigo awoodiisa, xirfadiisa iyo shakhsiyadiisa. Ujeedada In aan siinno dhamaan ardadeena fursad waxbarasho iyo waxbarasho taya wanaagsan leh si kor loogu qaado heerkooda aqooneed. In aan ka qeybgelinno dhamaan dadka ay khuseyso horumarinta iskoolka, si caruurtaoo dhan fursad isku mid ugu helaan manhaj balaaran oo isku dheellitiran. In aan qiimeyno kana qeybgelinno dhaqamada kala duwan in ay qeyb ka qaataan komyuunitiga iskoolka. In aan ka kaalmeynno shaqaalaha in ay horumariyaan xirfadooda si caruurteennu uga faaiideystaan. In aan bulshada iskoolka u diyaarinno degaan qurux badan ee xiiso leh. In aan dhiirrigelinno horumarka caruurta ee shaqsi, bulshadeed iyo mid caafimaadba. In aan ka rajeynno akhlaaqa heer sare ah anagoo la qeybsaneyna mabdaâ?? akhlaaqeed wanaagsan. In aan abuurno xiriir wanaagsan ee nagala dhaxeeya bulshada inteeda kale.